Arday loo xiray iibinta warqadaha imtixaanka oo faalis ah

0
440

Saraakiisha ammaanka ee dalka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Oscar Brighton oo loo haysto inuu iibinayay warqadaha imtixaannada shahaaddiga ee KCPE-da iyo KCSE-da oo been abuur ah.
Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa sheegtay in tuhmanaha uu maaddada dhaqaalaha ka barto Zetech University isagoo hadda ku jiro sanad jaamacadeedka saddexaad.
Oscar ayaa waxaa shalay soo qabtay dambi baarayaal la shaqeeya guddiga imtixaannada qaran ee KNEC.
Howlwadeennada ayaa loo xilsaaray dabagalka iyo kormeeridda imtixaanka .
DCI ayaa intaasi ku dartay in Oscar Brighton la qabtay xilli uu siday warqadaha imtixaanka oo faalis ah halka kuwo kale ay ugu keydsanayeen taleefoonkiisa gacanta.
Qoraalka waaxda dambi baarista wadanka waxaa ku cad in eedeysanaha uu sameeyay barta Whatsapp-ka oo dhowr akoon ah halkaasoo ardayda imtixaanka qaran u fariisanaya looga dalbanayay inay bixiyaan lacag u dhexeysa 1,600 ilaa 2,600 oo shilin.
Tuhmanaha oo lagu tilmaamay mid horay dembiyo u gaystay ayaa hadda ku jiro gacanta booliska waxaana lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad ah inuu ka tallaabsaday xeerarka maareynta imtixaannada qaran ee la soo saaray sanadkii 2012 kuwaasoo mamnuucayo nooc kasta oo khiyaano ama xatooyo ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu sheegay inay ka war qabaan qorsho warqadaha imtixaanka la isugu dirayo barta Telegram balse aan taasi lagu guulaysan doonin.