3 qof oo loo xiray burburinta agabka korontada

0
435

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex qof oo lala xiriirinayo dhacdooyinka lagu waxyeelleeyo kaabayaasha dowladda oo uu ka midka yahay agabka korontada.
Howlgalkan ayaa laga sameeyay deegaan baarlamaneedka Juja ee ismaamulka Kiambu.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay inay sidoo kale soo heshay agab la doonayay in la sii iibiyo oo ku kacaya malaayiin shilin.
Waaxda ayaa hoosta ka xarriiqday in falalka noocan ah ay halis ku yihiin wax soo saarka wadanka.
11-kii bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii qalab koronto oo dumay uu sababay koronto la’aan saameysay guud ahaan wadanka.
Arrintaasi ayaa loo aaneeyay qorsho burburin oo ay qayb ka yihiin saraakiisha shirkadda korontada dalka ee KPLC oo qaar ka mid ah maxkamadda la soo taagay.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhacdadaasi ka dib cid kasta oo burburiso kaabayaasha dowladda sida agabka korontada , isgaarsiinta iyo gaadiidka ku tilmaamay inay la mid tahay argagixisada sidaas awgeedna laga qaadayo tallaabo adag oo sharciyeed.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii la cilladeeyay marinka casriga ee tareennada ee (SGR) taasoo sababtay in labo saacadood aan la adeegsan gaadiidkan.