Dowladaha Kenya iyo Zimbabwe ayaa qalinka ku wada duugay heshiisyo gaaraya toddobo oo ku saabsan dhinacyo ay iska kaashanayaan.
Heshiisyadan ayaa salka ku haya wadatashiga siyaasadeed iyo dibloomaasiyadeed, dalxiiska , ilaalinta duurjoogta , la tacaalidda shilalka diyaaradaha rayidka iyo baaritaannada la xiriira dembiyada culus.
Labada dowladood ayaa sidoo kale isku afgartay inay ka wada shaqeeyaan awood siinta haweenka, horumarinta bulshada , arrimaha dhallinyarada , iskaashatada iyo cayaaraha.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in heshiisyadan ay dowladaha Kenya iyo Zimbabwe u suurtagelinayaan inay si wadajir ah u xalliyaan caqabadaha haysta si gaar ah shaqo la’aanta dhallinyarada.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in heshiiska ku saabsan awood siinta dumarka uu yimid xilli dhawaan caalamka laga xusay maalinta haweenka adduunka iyadoo Kenya ay mar kale caddeysay inay ka go’an tahay haleelidda hiigsiyada jinsiyadeed.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa intaasi ku daray in labada dal ay wadaagi doonaan aqoonta , khibradda, istaraatiijiyadda iyo qaababka tiknolojiyadeed ee wax looga beddeli karo nolosha haweenka.
Madaxweyne Kenya ayaa sheegay in booqashada uu dhigiisa Zimbabwe Emmerson Mnangagwa uu ku yimid Kenya aysan keliya dib u cusbooneysiin walaaltinnimada waddamadan balse ay muujisay xiriirka taariikhiga ee ka dhexeya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saaxiibtinnimada dowladaha iyo dadka Kenya iyo Zimbabwe ay soo billaabatay ka hor xilligii xurriyadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sanadkii 1960-kii dad badan oo ka soo jeedo qowmiyadda Shona ay dageen Kenya iyagoo loo aqoonsaday muwaadiniinta dalka.
Madaxweynaha Zimbabwe , Emmerson Mnangagwa ayaa dhankiisa soo dhaweeyay codsiga Kenya ee ah in dalkiisa laga qaado xayiraadda beesha caalamka.
Waxaa uu sheegay in ujeeddada uu u yimid dalka ay tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si gaar ah dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska, gaadiidka , sayniska , tiknolojiyadda , hal-abuurka iyo waxyaabo kale.
Emmerson Mnangagwa ayaa carrabka ku adkeeyay in midnimada Kenya iyo Zimbabwe ay horseedayso inay si wax ku ool ah u xalliyaan caqabadaha ay ka midka yihiin cudurka COVID-19 iyo argagixisada.
Waxaa uu intaasi ku daray in labada dowladood ay ka go’an tahay xallinta isbeddelka ku yimaado cimillada iyo dhibaatooyinka kale ee dhanka deegaanka.
Intii uu wada hadalka socday , Zimbabwe ayaa Kenya ugu deeqday 100 taan oo oksijiin ah si sare loogu qaado dagaalka ka dhanka ah caabuqa corona.