Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in qaar ka mid ah magaalooyinka wadankaasi laga daadgureeyay dad rayid ah oo ay tiradoodu tahay ugu yaraan 35,000.
Daadgureynta ayuu sheegay in la sameeyay shalay oo Arbaco ahayd.
Waxaa uu intaasi ku daray in magaalooyinkan sida Sumy , Enerhodar iyo degmooyinka u dhow caasimadda wadankaasi ee Kyiv ay yihiin kuwa uu sida wayn u saameeyay duullaanka militari ee xukuumadda Moscow.
Khudbad uu jeediyay ayuu hoggaamiyaha Ukraine ku xusay in sidoo kale la furay marinno ay dadka ka gudbi karaan.