Ugu yaraan 474 qof oo lagu dilay Ukraine

0
244

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha baniaadannimada ayaa sheegay in ilaa iyo hadda dowladda Ruushka ay gudaha wadanka Ukraine ku dishay in ka badan 474 qof oo shacab ah.
Duullaanka militari ee xukuumadda Moscow ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 861.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay suurtagal tahay inay ka sarreyso inta la diiwaangeliyay maadaama aanan weli xog dhameystiran laga soo gudbin magaalooyinka Volnovakha, Mariupol iyo Izium.
Bayaanka OCHA waxaa ku cad in dadka shacabka ay badankoodu waxyeello ka soo gaartay qaraxyo loo adeegsaday, gantaallo iyo duqeymo dhanka cirka ah.