Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa lagu wadaa inuu maalinka Arbacada ee toddobaadka dambe oo ku beegan 16-ka bishan uu safar ku tago magaalada London ee Ingiriiska ka hor inta uunan u sii gudbin Maraykanka.
Waxaa uu wacad ku maray inuu tirtiri doono ammaan kasta oo uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ka soo kasbaday socdaalkiisa qurbaha.
Tani ayaa timid ka dib markii William Ruto uu xoghayaha COTU ku eedeyay inuu ka soo horjeestay qorsho ay dowladdu sare ugu qaadayso dakhliga u soo xaroodo waaxda qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF.
Ruto ayaa xusay in Francis Atwoli uusan u taagnayn danaha kenyaanka caadiga ah.
Hasa ahaate Mr. Atwoli ayaa ku andacoonaya inuu hor istaagay qorsho la doonayay in lacag looga dhaco waaxda maareynta adeegyada howlgabka ee NSSF taasoo sida uu hadalka u dhigay ka careysiisay Ruto oo keentay inuu aflagadeeyo.