32 ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo loo xiray haweeney ay ku xadgudbeen

0
449

Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Mr. Bruno Shioso ayaa sheegay in ilaa iyo hadda laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen 32 ka mid ah wadayaasha mootooyinka wadanka.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinayaa tacaddi lagula kacay haweeney darawalad ah ka dib shil dhacay.
Mr. Bruno ayaa laga soo xigtay in qorshuhu uu yahay in eedeysanayaasha maanta maxkamad la soo taago si dacwad loogu soo oogo.
Sidoo kale waxay saaraakiisha ammaanka qabteen 12 dhudhugleey ah.
Kenyaanka iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa si wayn baraha bulshada uga falceliyay muuqaalka laga duubay haweeneyda lagu xadgudbay waxayna dalbadeen in tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo falkaasi ku lug lahayd.