Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in codeynta 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu ku guuleysan doono hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka.
Waxaa uu tilmaamay inuu yahay shakhsi caqli badan, islamarkaana uu ku kalsoon yahay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC.
Dr. Ruto ayaa dhanka kale meesha ka saaray walaac kasta oo laga qabo in lagu shubto codeynta doorashada guud.
“Haddii aad si sax ah ii eegto, ma ihi shakhsi cododkiisa lagu shuban karo, suurtagalna maaha,” ayuu yiri ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu intaasi ku daray in higsiga mideynta ee Azimio La Umoja, ee uu hoggaamiyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, aysan khatar ku ahayn cododkiisa.
Hasa ahaatee sida uu hadalka u dhigay William Ruto, dhaqdhaqaaqa Azimio ay kaliya sameyn karaan mudaaharaadyo rabsahadeysan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhanka kale soo hadal qaaday kulankii iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa uu sheegay in kulankaasi wax u dhimay horumarka dalka iyo qorshaha fulinta mashaariicda horumarineed ee dowladda.
Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska halkaas oo uu booqasho saddex cisho ah ku joogaya.
Shalay ayay ahayd markii uu soo gabagabeeyay safarkii ee uu ku joogay dalka Mareykanka isaga iyo qaar ka mid ah xulafadiisa siyaasadeed.