Kenya: Darasaad lagu ogaaday inay u badan tahay in haweenka ay qaban karaan jagada ku xigeenka madaxweynaha

0
378

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda darasaadka ee (TIFA) ayaa tilmaamaysa in ay jirto suurtogalnimo sare oo ay haweeney ku noqon karto madaxweyne ku xigeen, guddoomiyaha baarlamaanka ama aqalka sare ee 10-ka sano ee soo socota.
Boqolkiiba 78 ee dadka la wareystay ayaa aaminsan in 10-ka sano ee soo socoto ay noqon doonto qof dumar ah madaxweyne ku xigeen, halka boqolkiiba 77 iyo 76 ay aaminsan yihiin in haweeney ay noqon doonto guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta ama aqalka sare.
Sidoo kale boqolkiiba 48 ee dadka ka qayb qaatay darasaadkan, ayaa aaminsan suurtogalnimada ah in muddo 10 sano gudaheed ay haweeney noqoto madaxweynaha dalka, halka isla muddadaas 49 boqolkiiba ay rajo ka muujiyeen in qof dumar ah loo magacaabo taliyaha guud ciidamada difaaca ee wadanka.
Boqolkiiba 41 ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ee xilliga doorashada guud ku xigeen u soo xushaan qof dumar ah.
Hasa ahaatee boqolkiiba 67 iyo 70 ayaa aaminsan in William Ruto iyo Raila Odinga ee ku xigeen ka dhigan doonaan qof rag ah.