DHAGEYSO:Midowga musharaxiinta oo markale banaanbax kaga dhawaaqay Muqdisho

0
598

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta markale ku dhawaaqeen banaanbax kale oo ka dhacayo magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku sheegayaan in la qabto doorasho si xor ah ku dhacdo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay markale qabanaayaan banaanbaxyo kale oo uu sheegay in dastuurka uu siinayo in dadku banaanbixi karaan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Warbaahinta kula hadlay huteel Al Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dibadbaxyada ay keenayaan nidaam dastuuri, caafimaad iyo in qofka Soomaaliga ah uu xur u noqodo in uu cabiri karo dareenkiisa ayna u arkaan mab’da’ wanaagsan oo xiriir la leh hanaanka dowladnimada.
Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo in uu Ciidamadii qaranka u adeegsaday in uu ku weerraro musharixiinta, isla markaana saraakiisha looga baahanyahay in aysan qaadan amarka Madaxweyne muddo xileedkiisa uu dhamaaday.
“ Waxaa nasiib darro ah on Ciidamadii aan ku naalooneynay inay dhidibada u aasaan qaranimada Maanta nagula weerraro, ciidamada waxaa ay ku dhisan yihiin sharci & dowladnimo hadii ay ka gudbaana ciidan maahan ayuu yiri” Sheekh Shariif.
Sidoo kale Shirka Jaraa’id ee Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle & Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana dhamaantood ay sheegeen inay banaanbaxa sii wadi doonaan.