Doorasho si hufan loogu tartamay oo ka dhacday Gaalkacyo

0
327

Waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay kursi ka mid ah golaha Shacabka baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Waxaana musharraxiinta u taagneyd kursiga kala ahaayeen .
1-Ayaan Xasan Xuseen (Wacan)
2-Hodan Cabdi Shire
3-Ubax Tahliil
4-Qaali Shire
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in natiijada wareega koowaad ee kursiga HOP#060 ay kusoo baxeen musharixiinta kala ah, Ubax Tahliil Warsame oo heshay 44 cod iyo Qaali Cali Shire oo heshay 32 cod Halka Hodan Cabdullaahi Shire ay heshay iyadan 17 cod, sidoo kale Ayaan Xuseen Xasan ayaa iyadana heshay 8 cod.
Guddiga ayaa sheegay in lagu kala guuleysan doono doorashada kursiga HOP#060 musharrixii helaa 50+1 uu sidaa ku hanan dooni doorashada kursigaas.
Muddo ka dib Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Qaali Cali Shire oo heshay 61 cod ay ku guuleysatay doorashada kursiga tirsigiisu yahay 060, halka Ubax Tahliil Warsame oo kursigan ku fadhiday islamarkaana aad ugu oleleyso madaxweyne Farmaajoay ay heshay 40 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here