DHAGEYSO:Shacabka Garissa oo aan biyo heli doonin 48 saacadood

0
484

Shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee magaalada Garissa ee magaceedu loo soo gaabiyo GAWASCO ayaa sheegtay in howlo dayactir oo ay sameynayso awgood inta u dhexeysa maalmaha Axadda iyo Talaadada ee soo socdo ay hakin doonto qaybinta biyaha ee xaafadaha magaladaasi.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Cumar Cabdullahi oo shirkadda u qaabilsan xiriirka bulshada isagoo dadweynaha ku boorriyay inay biyaha sii keydsadaan si ay uga badbaadaan saameynta arrintan ka dhalan karto .