Waxaa duhurnimada maanta qarax aad xooggan lala eegtay masjid dad Shiico ah ay ku tukanayeen, kaasoo ku yaalla magaalada Peshawar ee waqooyi galbeed ee dalka Pakistan.
Sarkaal ka tirsan booliiska deegaanka oo lagu magacaabo Waheed Khan ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ay dadka waxyeelladu soo gaartay ku cibaadeysanayeen masjidka Kucha Risaldar si ay ugu tukadaan salaadda Jimcaha
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 30 qof oo ku cibaadeysanayay masjidka halka tiro kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay dhaawacyadu soo gareen ay xaaladooda aad u liidato.
Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa gaaray goobta, xilli waddooyinka ay saxmad ka jirtay, iyadoona haatan dhakhaatiirta ay ku dadaalayaan sidii ay dhaawacyada faraha badan ugu qaadi lahaayeen goobaha qalliinka.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse kooxda isku magacawda dowladda Islaamka iyo ururka Taliban ee Pakistan ayaa weerarro noocan oo kale ah ka gaystay gobolkaas oo ku yaalla meel u dhow xuduudka dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan.
Dhanka kale ra’iisul wasaarahaa Pakistan Imran Khan ayaa weerarkan cambaareeyay.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo bilooyin ka hor uu weerar kan la mid ah ka dhacay gobol ku yaalla meel u dhow xudduudda Pakistan ay la wadaagto dalka dariska la ah ee Afghanistan.
Waxaa dalka Pakistan u badan muslimiinta Sunniga ah, halka Shiicada ee laga tirada badan yahay ee dalkaasi ay la kulmaaan weeraro isdaba joog ah.