Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha oo kormeer ku tagay dugsiyo ku yaalla ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa u digay cid kasta oo isku dayda inay sameyso xatooyo dhanka imtixaanaadka qaran ah.
Waxaa uu sheegay inay ka war qabaan qorsho ah in warqadaha la isugu diro barta Telegram balse aan taasi lagu guulaysan doonin.
Magoha ayaa digniin gaar ah u diray saraakiisha maamulaya xarumaha imtixaanka shahaaddiga lagu sameyn doono laga billaabo 7-da bishan oo Isniinta ku beegan.
Waxaa uu u sheegay in mas’uulkii warqad imtixaan furo ka hor xilliga loogu tala galay inuu cawaaqib xumo la kulmi doono.
Wasiirka ayaa dhanka kale kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu ay gabagabeynayso qorshaha lagu sugayo ammaanka deegaannada ay xasilooni darrada ka jirto sidaas awgeedna aysan jirin wax cabsi ah oo la xiriirta sameynta imtixaannada KCPE-da iyo KCSE-da.
Iskuduwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka xeebta John Elungata ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ilaa iyo hadda aynan jirin warqad imtixaan oo xilli hore la helay.