Guddoomiyaha ODM oo beeniyay dhaliil uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka

0
413

Guddoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliil ka timid madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto oo ahayd in u diyaar garowga doorashada guud ee sanadkan ay hareeyeen hanjabaado iyo cabsi gelin.
Mbadi ayaa Ruto ku tilmaamay musharrax madaxweyne oo u muuqdo inuu xilli hore dareemay in loogaga adkaan doono tartanka 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadka 2022-ka sidaas awgeedna hadda ku andacoonaya in natiijada doorashada lagu shuban doono.
Guddoomiyaha ODM ayaa xusay in madaxda isbeheysiga siyaasadeed ee Kenya Kwanza uu sida uu hadalka u dhigay isku diyaarinayaan inay qaadacaan natiijada doorashada guud.
Dhanka kale Mr. Mbadi ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu yahay muwaadin xaq u leh inuu codkiisa ku taageero musharraxa uu doonayo sidaas awgeedna garabka uu u muujinayo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga aynan ahayn in loo fasiro amar la siinayo Kenyaanka oo ah inay u codeyaan ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya.
Hadalka John Mbadi ayaa yimid ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka oo u sugan Maraykanka uu sheegay in loo baahan yahay in Kenyaanka fursad loo siiyo u codeynta qofka ay ku kalsoon yihiin iyadoo aynan cidna cabsi gelin.