Raphael Tuju oo dhawaan iska casilay xilka xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee ayaa sheegay inuusan weli go’aansan ismaamulka uu iska soo sharrixi doono.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Tuju ku xusay inuu ka tartami doono ismaamullada Nairobi ama Siaya midkood.
Tuju ayaa intaasi ku daray inuu isha ku hayo ilaa saddex deegaan baarlamaneed oo uu is leeyahay haddii mid ka mid ah aad ka soo istaagto waa lagu dooran karaa.
Hasa ahaate waxaa uu ku celceliyay inuu ugu horreyn dhinac kala duwan oo siyaasadeed la sameyn doono wada tashi dheeraad ah ka hor inta uunan qaadan go’aan kama dambeys ah.
Xoghayihii hore ee Jubilee ayaa sheegay inuu caasimadda dalka ee Nairobi ku noolaa muddo 49 sano ah sidaas awgeedna aynan jirin cid ka hor istaagi karto inuu iska soo sharraxo.