Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in isbeddel kasta oo ku yimaada hoggaanka wadanka uunan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaqangelinta manhajka cusub ee tacliinta ee CBC.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Murang’a halkaasoo uu ku daahfuray dhismaha fasallo ay adeegsan doonaan ardayda wax ku baranaya nidaamkan.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in dastuurka dalka uu ilaalinayo dhaqangelinta hannaanka CBC.
Waxaa uu wasiirku ammaanay horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray hirgelinta barnaamijkan waxbarasho isagoo hoosta ka xarriiqay in la gabagabeeyay diyaar garowga la xiriira in ardayda fasalka lixaad ay nidaamkan isticmaalaan.
Hadalka Magoha ayaa ku soo aadaya iyadoo qaar ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ay sheegeen in haddii ay talada wadanka qabtaan ay meesha ka saari doonaan manhajkan.
Home Wararka Kenya Wasiirka tacliinta oo sheegay in isbeddelka hoggaanka uunan saameyn ku lahayn manhajka...