Maxkamadda Wajeer oo labo qof ku xukuntay 50 sano oo xabsi ah

0
602

Maxkamadda ismaamulka Wajeer ayaa xukun xabsi oo min 50 sano ah ku ridday labo qof oo lagu helay dembi ah inay maandooriye gudbinayeen.
Maxkamadda ayaa sidoo kale shakhsiyaadkan oo lagu kala magacaabo Maxamad Coloow iyo Ibraahim Xasan dul dhigtay ganaax lacageed oo gaaraya 63 milyan oo shilin.
4-tii bishii Afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay labadan qof ka qabteen Wajeer xilligaasi oo lagu eedeyay inay siteen xashiish gaaraya 700 oo kiilogaraam.
Qiimaha daroogada ayaa lagu sheegay 21 milyan oo shilin waxayna u soo wadeen magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay balwadda ku dhex qariyeen xamuul shamiito ah oo ay loori ku wadeen.
Go’aanka maxkamadda waxaa ku dhawaaqay garsoore sare Mugendi Nyagah oo amray in la soo xiro Ibraahim Xasan oo aan maxkamadda iska xaadirin.
Dhanka kale mulkiilaha baabuurka xamuulka ayaa loo qabtay muddo 14 cisho ah oo uu isku difaacaya ka hor inta aan gaarigiisa dowladda lagu wareejin.