Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenka tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandera Maxamad Cabdi Axmad (Jaak).
Mas’uulkan ayaa lagu dilay inta u dhexeyso magaalada Mandera iyo deegaanka hoose ee Cumar Jilacow.
Waxaa xilkan loo magacaabay ka dib markii sidaan oo kale loo dilay mas’uulkii ka horreeyay.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerarro qorsheysan ka fulisa deegaannada hoostaga ismaamulka Mandera .
Hasa ahaate dilka mas’uulkan ayaa weli dowladda Kenya aysan ka bixin wax faahfaahin ah.
Home Wararka Soomaaliya Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow