Ciidamada booliska ee ismaamulka Kisumu ayaa raadinaya labo haween oo ka mid ahaa maxaabiista ku jiro xabsiga dumarka ee dowlad deegaankaasi kuwaaso goobta ka cararay.
Taliyaha booliska ee Kisumu Richard Ngeno, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku raad joogaan haweenka baxsaday abaare 4-tii galabnimo ee maalinkii Axadda.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin sida ay maxaabiista oo halkaasi loogu hayay si ku meel gaar ah ay ugu suurtagashay inay baxsadaan.
Mr.Ngeno ayaa intaasi ku daray in haweenka la raadinaya ay ka soo jeedaan deegaanka Nyakach ee Kisumu iyo degmada Matayos oo ka tirsan ismaamulka Busia waxayna sugayeen in dhawaan ay maxkamadda xukun ku riddo.