Qoysaska ardayda kenyaanka ee ku xanniban Ukraine oo dowladda ka codsaday in ay soo daadgureyso

0
307

Qoysaska ardayda ku xayiran dalka Ukraine ayaa ka codsanaya dowladda Kenya inay dedejiso daadgureynta carruurtooda maadaama ay walwal ka qabaan inay dhibaato ka soo gaarto duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka deriska la ah Ukraine.
Tiro arday oo Kenyan ah ayaa wali ku sugan gudaha Ukraine iyadoona qaarkood ay u baxsadeen dhanka wadanka Poland.
Dowladda dhexe ayaa dhawaan xaqiijisay in muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku sugan Ukraine ee badqabaan ayna la socoto xaaladooda.
Waxaa dalka Ukraine ku xanniban kenyaan isugu jiro arday iyo ganacsato sidaas awgeedna waalidiinta ayaa doonaya in dowladda ay qaadato go’aan degdeg ah.