Waxaa haatan wadahadallo u socdaan wufuud ka kala socoto dowladaha Ukraine iyo Ruushka.
Waxaa ay kawada hadlayaan xasaradda labada dhinac u dhexeyso si xal looga gaari lahaa.
Waxaa uu shirkan haatan ka socda xuduudda u dhexeyso waddamada Ukraine iyo Belarus.
Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in hadafka laga leeyahay wadahadallada uu yahay xabad joojin degdeg ah iyo ka bixitaanka ciidamada Ruushka ee Ukraine.