NTSA oo guud ahaan dalka ka billowday howlgalo ka dhan shuruucda waddooyinka

0
419

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA oo kaashanaya hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa maanta oo Isniin ah guud ahaan dalka ka billaabay howlgalo lagu baacsanayo gaadiidka iyo darawalada aan u hoggaansamin shuruucda taraafikada, si loo xakameeyo shilalka waddooyinka.
Ololahan oo loogu magacdaray hindisaha natiijada degdeg ah ayaa lagu beegsanayaa dhammaan shakhsiyaadka aan raacin tilmaamaha iyo shuruucda waaxda taraafikada iyo xeerarka la xiriira.
Waxaa uuna socon doonaa howlgalkan ilaa dabayaaqada bisha saddexaad ee sanadkan.
Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid loo baahan yahay si wax looga qabto caqabadaha keenaya shilalka waddooyinka ee sii kordhaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowlad ahaan ay ka walaacsanahay kiisaska shilalka ee sii kordhaya islamarkaana la doonaya in la xakameeyo.
Mr.Oguna ayaa carrabka ku adkeeyay in darawaliinta laga doonayo inay muujiyaan habdhaqanka ugu wanaagsan ee waafaqsan xeerarka waaxda gaadiidka ee dalka.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in la beegsan doono darawaliinta gawaaridooda ay ku rakiban yihiin taariko aan diiwaangalsaneyn.
Sidoo kale inta uu howlgalkan socdo waxaa gacanta lagu dhigayaa dhammaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee dhaafa xadka xawaaraha habboon.