Maxkamad ku taalla ismaamulka Nakuru ayaa lagu soo warramayaa inay daaqadda ka tuurtay dacwad loo haystay senetarka ismaamulka Meru Mithika Linturi.
Garsooraha maxkamadda Nakuru Edna Nyaloti, ayaa sheegtay in dib u dhac dhanka dacwad soo oogayaasha awgeed kiiskan la xiray.
Waxaa ay intaasi ku dartay in dacwad soo oogayaasha u xilsaarnaa kiiskan ay ku guuldareysteen inay dacwad ku soo oogaan senetarka Meru wakhtigii loogu talagalay.
Bishii hore ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji amar ku siiyay abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai inuu guda galo baaritaano ka dhan ah senatarka si loo xaqiijiyo in hadalkiisa uu ku saleysnaa xaqiraad, naceyb, cadowtinnimo , takoor iyo rabshad kicin.
Mr. Linturi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu jeediyay hadal la qoonsaday in kastoo uu iska fogeeyay eedeymaha ka dhanka ah.
Waxaa ka dib lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 2 milyan oo shilinka dalka ah ama damaanad dhan 5 milyan oo shilin.