Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-ka bisha labaad ilaa 2-da bisha saddexaad ee sanadkan ay Kenya marti geliso kal-fadhiga shanaad ee golaha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka ee UNEA.
Sidoo kale laga billaabo 3-da Maarso ilaa 4-da isla bishaasi waxaa Kenya lagu qabanayaa dabbaal degga 50-aad ee barnaamijka qaramada midoobay ee arrimaha deegaanka ee UNEP.
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo kaymaha ee dalka Mr. Keriako Tobiko ayaa shalay mas’uuliyiin ka kala yimid daafaha caalamka oo ka qayb galaya kulamada maanta billaabanaya ku hoggaamiyay munaasabad geedo lagu abuurayay beerta City Park ee magaalada Nairobi sida lagu shaaciyay barta rasmiga ee Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.