Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay ku dhawaad 54 milyan oo doolar oo dheeraad ah ay ku bixinayso howlaha gargaarka baniaadannimo ee dalka Ukraine.
Qoraalka xukuumadda Washington waxaa sidoo kale uu tilmaamaya in weerarka Ruushku uu ku qaaday Ukraine uu yahay daandaansi aan loo qiil dayi karin.
Ku dhawaad 26 milyan oo deeqdan ka mid ah waxaa bixinaysa waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka halka 28 milyan oo doolar ay bixinayso hay’adda horumarka caalamiga ee Maraykanka ee USAID.
Ilaa iyo hadda waxaa uu Maraykanka Ukraine ugu deeqay ku dhawaad 405 milyan oo doolar tan iyo markii siddeed sano ka hor uu Ruushku ku duulay Ukraine xilligaas oo uu ka goostay gobolka Crimea.