Xisbiga UDA oo sheegay in midnimada Azimio iyo OKA aynan saameyn lahayn

0
562

Guddoomiyaha xisbiga UDA Johnson Muthama ayaa sheegaya in isbeheysiyada siyaasadeed ee Azimio iyo OKA oo midoobo aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin saaxadda siyaasadeed ee dalka.
Muthama ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan la yaab ku noqon go’aanka wada shaqeynta ku saleysan ee ay dhinacyadan shaaciyeen.
Senatarkii hore ee Machakos ayaa ku andacoonaya inuu muddo ka badan labo bilood ka hor saadaaliyay iskaashiga ay yeelanayaan Azimio iyo OKA.
Waxaa uu guddoomiyaha UDA ku celceliyay in tani aynan damaanad qaad u ahayn in mid ka mid ah madaxda xisbiyadan uu bisha siddeedaad ee sanadkan la wareegi doono hoggaanka ugu sarreeya wadanka.