Ciidamada Ruushka oo gudaha u galay magaalada labaad ee ugu wayn Ukraine

0
271

Ciidamada difaaca ee dalka Ruushka ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen magaalada Kharkiv, oo ah tan labaad ee ugu wayn wadanka Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in waddooyinka lagu dagaallamaya.
Dhanka kale qaramada midoobay ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 200,000 oo ka mid ah shacabka Ukraine ay dalkooda iskaha qaxeen.
Duqeymaha Ruushka ayaa bartilmaameedsanaya kaalimaha shidaalka ee Ukraine taasoo keentay inay gubato xarun shidaalka lagu keydiyo oo ku taalla meel u dhow caasimadda wadankaasi ee Kyiv.
Quwadaha reer galbeedka ayaa dhankooda xayiraado ku soo rogaya xukuumadda Moscow waxaana ka mid ah in laga xannibo hannaanka bangiyeed ee SWIFT.
Dowladda Ruushka ayaa sheeganaysa inay Ukraine kala wareegtay labo magaalo oo ku yaalla Koonfurta iyo Koonfurta bari ee dalkaasi.
Xukuumadda Moscow ayaa hoosta ka xarriiqday in ciidamadeeda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalooyinka Kherson iyo Berdyansk ee Ukraine.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka Igor Konashenkov ayaa bayaan ku sheegay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay labo magaalo si buuxda looga qabsaday Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo militariga Ruushka uu sii wado duullaan uu billaabay Khamiistii la soo dhaafay.