Dowladda dhexe ayaa shacabka kenyaanka ah ee ku nool gudaha wadanka Ukraine ku boorrisay inay halkaasi iskaga soo baxaan oo aynan dib ugu laaban ilaa amar dambe.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday safaaradda Kenya ay ku leedahay magaalada Vienna ee dalka Austria oo ah midda ugu dhow ee Ukraine.
Bayaanka safaaradda waxaa ku xusan in cidii doorbidaysa inay Ukraine sii joogto looga baahan yahay inay feejignaan dheeraad ah muujiso.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay wakiilka haweenka ee ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta Zulekha Xasan ay faahfaahin ka codsatay wasaaradda arrimaha dibadda.
Zulekha ayaa doonaysa in dowladdu ay dib u soo celiso muwaadiniinta kaga sugan Ukraine oo ay ka socdaan weerarrada Ruushka.
Haweeneydan ayaa hoosta ka xarriiqday inay halkaasi ku xanniban yihiin kenyaan isugu jiro arday iyo ganacsato sidaas awgeedna dowladda looga fadhiyo inay qaadato go’aan degdeg ah.