Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Ugunja ee ismaamulka Siaya Opiyo Wandayi ayaa sheegay inay jirto ujeeddo qoto dheer sababta uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uusan u dooneyn inuu ku xigeenkiisa William Ruto ku taageerro inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka.
Waxaa uu ku andacooday in dhammaan hoggamiyaasha dowladda uu madaxweynaha ugu xog ogaal badan yahay shakhsiga uu yahay William Ruto, islamarkaana ay jirto sabab ay isku khilaafeen.
Mr.Wandayi oo la hadlay teleefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in madaxweynaha uu dhawaan shacabka la wadaagi doono, waxaa sababay khilaafka kala dhexeya ku xigeenkiisa.
Hasa ahaatee senaterka sida magacaabidda ku galay aqalka sare Isaac Mwaura ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray xildhibaanka deegaanka Ugunja.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in kulanka maanta ee Sagana uu yahay mid minco aan lahayn.