Madaxweynaha dalka oo sheegay in xisbiga Jubilee uu wali xooggan yahay

0
623

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku adkaystay in xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee uu wali yahay mid xooggan.
Waxaa uu gacan seyray sheegasahda ah in xisbigaan u xilli hore burburay.
Mr. Kenyatta ayaa hadalkan maanta ka jeediyay madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri oo haatan ay ka socoto kulanka madaxweynaha dalka iyo wufuudda mataleyso gobolka bartamaha ee wadanka.
Waxaa uu xusay in awoodda xisbiga uu leeyahay ay weli tahay mid laga dareemayo guud ahaan wadanka.
“Waxaan maqlayay inay jiraan kuwa leh xisbiga talada wadanka haya uu mar hore lumiyay awooddiisi siyaasadeed, wey khaldan yihiin, balse maanta aad ogaan doontaan in xisbiga awooddiisa iyo shacbiyadiisa wali ay jirtoā€¯ ayuu yiri hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka
Dhanka kale sida laga soo xigtay hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha qaran ee xeer dejinta ahna mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kipipiri, Amos Kimunya iyo xildhibaanka deegaanka Kieni Kanini Kega ayaa sheegay in kulankan la filayo in lagu jiheeyo gobolka bartamaha dalka.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo isbeheysiga Kenya Kwanza uu ku faanayo in tirada ugu badan ee xulufadiisa ay ka soo jeedaan gobolkan.