Jimi Wanjigi oo ku adkeystay inuusan wareejin doonin hub la sheegay inuu si sharci darro ah ku haysto

0
348

Ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi sidoo kalena ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadkan ayaa ku gacan seyray amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da George Kinoti kaas oo ahaa in mas’uulkan uu muddo 72 saacadood ah uu kusoo wareejiyo 11 qori oo la sheegay inuu si sharci darro ah ku haysto.
Jimi Wanjigi oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu haysto amar maxkamadeed oo ah in hubkiisa uu sharciyaysan yahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in DCI-da ay wali ku xad gudubeysa xuquuqdiisa aasaasiga ah, islamarkaana uusan is dhiibi doonin.