Kenya oo la filaayo inay heshiis cusub la gasho Sanduuqa IMF

0
111

Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa shalay sheegay in Kenya ay la gali doonaan heshiis cusub markii uu soo gabagabooba midka hadda socda.
Dalka Kenya ayaa hadda lagu tiriyaa meel dhaqaale oo ifaysa markii loo eego dalalka deriska la ah ee gobolka Bariga Afrika balse Kenya ayaa la tacaalaysaa ku dhawaad 80 bilyan oo dollar oo deyn dibadeed iyo mid gudaha ah.
Adeegga deymaha ayaa lagu bixiyaa saddex-meelood laba meelood oo ka mid ah dakhliga soo gala waddanka, taasoo aad uga miisaan badan kharashka lagu bixiyo caafimaadka ama waxbarashada, balse dowladda ayaa dhibaato ay ku ah inay kordhiso canshuuraha.
IMF-ta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kadib booqasho ay mas’uuliyiintooda ku imaadeen xukuumadda Nairobi ay isku afgarteen dowladda Kenya in aan la sii amba qaadin dib u eegistii sagaalaad ee la qorsheeyay in lagu sameeyo barnaamijkeeda deyn bixinta ee hadda ah 3.6 bilyan oo doolar.
Barnaamijkaas, oo la saxiixay 2021-ka ayaa loo qorsheeyay inuu dhammaado bisha dhambe ee April iyadoo bixinta ugu dambeysa ay eheed bishii Tobnaad ee sanadkii hore taasoo dhan 606 milyan oo doolar.
Ila iyo hadda ma cadda waxa barnaamijka cusub ee IMF-ta ka dhalan doono.