SAWIRRO:Xisbiga Jubilee oo soo bandhigay dhoolatus uu ku muujinaya waxqabadka madaxweynaha dalka

0
391

Xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ayaa soo bandhigay dhoolatus olole dadweyne oo ujeedadiisu tahay in lagu muujiyo guulaha uu gaaray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta 9-kii sano oo uu xilka haya.
Waxaa uu xisbiga boorar ku dhejiyay hareeraha waddooyinka waaweyn ee magaalada madaxda dalka ee Nairobi.
Boorarka ayaa waxaa ku qoran in 9-kii sano uu xisbigan talada wadanka hayay uu waxyaabihii uu dadweynaha uu ballaanqaaday la fuliyay.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo uu qorshuhu yahay in 26-ka bishan labaad oo ku beegan maalin Sabti ah uu qabsoomo shirweynaha ergada qaran ee xisbiga ODM.
Shirka ayaa si rasmi ah loogu taageeri doonaa musharraxnimada madaxweynenimo ee ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Waxaa sidoo kale la filayaa in halkaasi lagu ansaxiyo heshiis iskaashi oo ka dhexeynaya xisbiga Jubilee iyo xisbiyada kale ee gacan saarka la leh hiigsiga mideynta shacabka ee Azimio La Umoja.
Xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa qarka u saaran inuu burburo, iyadoo inta badan xubnahooda ay u weecdeen xisbiga uu madaxa ka yahay ku xigeenka madaxweynah dalka William Ruto ee UDA.