Qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu Saciid Deni la socday

0
400

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 2 askari ay waxyeello kasoo gaartay qaraxa, balse madaxweynaha iyo madaxdii kale ay bad qabaan.
Dhawaan ayay ahayd markii qaraxa culus uu ka dhacay magaaladaas, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo ay nabadoono ka mid ahaayeen.
Madaxweynaha Puntland ayaa Boosaaso u jooga sababo la xiriira doorashada dadban ee halkaas la qorsheeyay in ay ka dhacdo.