India oo dilal ku xukuntay 38 qof oo lala xiriiriyay qaraxyadii Ahmedabad

0
718

Maxkamad ku taalla dalka India ayaa xukunno dilal ah ku ridday 38 qof oo lagu helay inay ka dambeeyeen qaraxyadii sanadkii 2008-dii ka dhacay magaalada galbeed ee Ahmedabad.
Waxay maxkamaddu xabsi daa’in ku xukuntay 11 kale.
8-dii bishan ayay ahayd markii ay maxkamaddu dembi ku heshay 49-ka qof ee la xukumay.
Weerarradaasi oo lagu tilmaamay kuwo la soo abaabulay ayaa waxaa ku dhintay 56 ruux halka 200 oo dheeraad ah ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka lagu eedeyay ee maxkamadda la soo taagay ay tiradoodu ahayd ku dhawaad 80 qof.
Hasa ahaate 28 ka mid ah ayaa wax dembi ah lagu waayay.
Dhammaan dadka la xukumay ayaa lagu caddeeyay inay dilal gaysteen sidoo kalena qayb ka noqdeen hagardaamo dambiyeed.
Qareen u doodayay eedeysanayaasha ayaa warbaahinta u sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunnada.