Kulanka ergada qaran ee ODM oo la qabanaya 26-ka bishan

0
713

Waxaa uu qorshuhu yahay in 26-ka bishan labaad oo ku beegan maalin Sabti ah uu qabsoomo shirweynaha ergada qaran ee xisbiga ODM.
Kulanka oo ka dhici doono fagaaraha Nyayo ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qayb gelaya ilaa 3,000 oo xubnood.
Xisbiga ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in martida la casuumay ay isugu jiraan barasaabyo, ku xigeenadooda, xildhibaanno , wakiillada golayaasha hoose iyo saraakiisha sar sare ee xisbiga ku matalo ismaamullada.
Shirka ayaa si rasmi ah loogu taageeri doonaa musharraxnimada madaxweynenimo ee ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Waxaa sidoo kale la filayaa in halkaasi lagu ansaxiyo heshiis iskaashi oo ka dhexeynaya xisbiga Jubilee iyo xisbiyada kale ee gacan saarka la leh hiigsiga mideynta shacabka ee Azimio.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 25-ka Febraayo uu kal-fadhi yeelanaya guddiga qaran ee fulinta ee ODM.