Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay maalmo gudahood duullaan ku qaadi karto dalka dariska la ah ee Ukraine.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jirto astaan kasta oo muujinaysa in xukuumadda Moscow ay weerar isku diyaarisay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo gaashaanbuurta NATO ay ku andacoonaysa in Ruushka uu iska dhigaya inuu damacsan yahay tallaabo militari oo ka dhan ah Ukraine si loogu fuliyo tabashooyin dhinaca amniga ah ee uu qabo.
Shalay ayay ahayd markii xukuumadda Moscow ay eedeyn kulul u jeedisay Maraykanka iyadoo safaaradda Maraykanka ka saartay mas’uulka labaad ee ugu sarreeya.
Ruushka ayaa Maraykanka ku dhaliilaya inuusan tixgelin dalabaad dhanka amniga oo uu soo bandhigay waxaa uuna wacad ku maray inuu qaadaya tallaabooyin farsamo oo militari kuwaasoo aan la caddeyn.