Maxkamadda ugu sarreysa wadanka oo meesha ka saartay dacwad laga gudbiyay guddiga doorashooyinka

0
366

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday dacwad uu xisbiga Narc Kenya ka gudbiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Kiiskan ayaa ku saabsanaa magacaabidda xubnaha ku biiro golayaasha hoose ee ismaamullada Kenya.
Waxay maxkamaddu sheegtay in dacwaddan ay tahay mid ku saabsan doorasho oo aan dastuuri ahayn sidaas awgeedna ay habboon tahay in loo bandhigo maxkamadda arrimaha doorashooyinka sida ku qeexan farqada koowaad ee qaybta 75-aad ee xeerarka doorashooyinka wadanka.
Hasa ahaate waxa maxkamaddu go’aamisay in guddiga doorashooyinka ee IEBC iyo golaha hoose ee ismaamulka Tharaka Nithi oo arrintan daneynayay la siiyo qarashaadka kaga baxay geeddisocodka dacwadda dhinac la iskaga dhigay.
Xisbiga ay hoggaamiso Martha Karua ee Narc Kenya ayaa doonayay in IEBC uu tixgeliyo sinnaanta jinsiyadeed marka la soo xulanaya wakiillada sida magacaabidda ah ugu biiraya golayaasha hoose ee ismaamullada si gaar ah dowlad deegaannada Tharaka-Nithi, Mandera, Garissa, Embu, Meru iyo Nairobi hasa ahaate taasi ayaan laga oggolaan.