Maalmihii la soo dhaafay waxaa si dar dar ah maamul goboleedyada Soomaaliya qaar ka mid ah uga socotay doorashada Golaha shacabka ee baarlamaanka cusub 11-aad ee Soomaaliya iyadoo horay loogu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan, waxaana ilaa iyo hadda la doortay boqolkiiba 55%.
Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul goboleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose, hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabad ay ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.
Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmad Aadan Safiina ayaa sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaareey.
“Runtii caqabadda ka jirta Garbohaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka halkaa ka jira waxaad ogeeydeeen shirarkii Dhuusamareeb kow, laba iyo saddex qaarna ay fashilmeen qaarna ay guuleysteen, khilaafka ugu weynaa waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay.”
Guddiga Doorashada haddii aynu nahay Kooramka haddii uu inoo buuxsamo xildhibaannadaasna aanu xal laga gaarin caqabad dalka ku sii ahaan maayaan khilaafyadaasi oo horay ayaa looga sii soconayaa, doorashada Guddoonka iyo kan madaxweynahana waa la dooranayaa.
Safiina ayaa tibaaxay in haddii madaxda isku haysa xildhibaanadaas oo ay doorashadooda xallin laga gudbayo.
Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka muddada u dhexeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay horay ugu andacoodeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowladda dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.
Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhammaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowladda Federaalka, waxaana muuqata in arrintani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.
Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi ka soo baxaysa.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo dowladda Maraykanka ay baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku beddeshay hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhameystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 bishan labaad ee 2022-ka.
Doorashada Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo kuraas badan la doortay oo qiyaas ahaan gaaraya boqolkiiba 55.
Shalay waxaa la soo dhamaystiray doorashada 26-kii kursi ee deegaan doorashoodii ahayd magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu maamulkani noqonayaa maamulkii ugu horreyay ee soo idleeya doorashada deeegaan doorashadooda labaad inkastoo ay jireen cabashooyin ka soo baxayay musharraxiin kuraastoodu tiilay Baraawe oo qaarkood sheegayba in laga hor istaagay in ay halkaa tagaan.