Saraakiisha maamulka qaabilsan uruurinta canshuuraha ee KRA ee ka howlgala gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA, magaalada Nairobi ayaa gacanta ku dhigay qof socdaal ah oo watay lacag qiimaheeda lagu sheegay 238 milyan oo shilinka dalka ah.
Eedaysanaha oo Kenyan ah ayaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi.
Lacagtan oo cadad ahaan u dhiganta 2 milyan oo doolar ayaa gacanta lagu dhigay ka dib markii saraakiiska maamulka KRA qaybtooda ka howlgala gagida JKIA ay baaritaanno sameeyeen.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha uu soo bandhigay dukumentiyo is dhaafsan, taasina ay keentay in lacagta gacanta lagu dhigo.
Maamulka qaabilsan uruurinta canshuuraha ee KRA ayaa dadka rakaabka ah ku boorriyay inay si sax ah u caddeeyaan dhammaan shixnadaha ay wadaan ayagoo u hoggaansamaya sharciyada socdaalka.