Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weerar toos ah ku qaaday murashaxiin ay kamid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Cabbdiraxmaan Cabdishakuur oo banaanbax salmi ah ku marayay wadadda Airportka Muqdisho kuwaas oo kusoo waajahnaa KM4.
Ciidanka ilaalada ka hayay Musharaxiinta iyo banaanbaxayaasha ayaa waxaa dhexmaray iska horimaad xooggan.
Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan banaanbaxa joojin doonin tan iyo inta laga helaayo doorashada lagu wada qanacsan yahay.
Xaalad adag ayaa ka taagan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in shaqadii garoonka ay joogsatay.