Haweeney cunug dhashay ka dib markii ay dabeyl uureysay

0
1282

Booliska dalka Indonesia ayaa baaraya dhacdo la yaab leh ka dib markii haweeney 25 jir ah ay sheegtay inay umushay saacad uun ka dib markii dabeyl ay uur ku qaaday.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Siti Zainah, ayaa noqotay hadal haynta ugu badan ee dalka Indonesia.
Waxaa ay dhanka kale sheegtay inay uurka qaaday 10-kii bishaan.
Sida laga soo xigtay dhowr wargeys oo ka soo baxa dalka Indonesia haweeneydan ayaa waxay ku nooshahay deegaanka Cianjur ee galbeedka gobolka Java.
Waxaa ay sheegatay markii salaadii Duhur ay tukutay ay u seexatay si calool calool ah kaddibna si lama filaan ah ay dareentay dabayl inay ka soo galayso xubintayga taranka.
Siti ayaa sheegtay in daqiiqad ka dib ay calooshaydii barartay kaddibna ay caadi ku soo noqotay.
Haweeneyda ayaa markale sheegtay in caloosheyda soo weynaatay 15 daqiiqo islamarkaana ay xanuun dareentay waxay ogaatay in xaaladeeda aysan wanaagsaneyn iyadoo weydiisatay qof qaraabadeeda ah inuu geeyo xarun caafimaad.
Dhakhaatiirta ayaa u sheegay inay ilmo caloosha ku sido islamarkana laga dhalinayo.
Waxaa ay carabka ku dhuftay inay aad uga naxday oo ay dhasho iyadoo u tagin ama la kulmin wax nin ah.
Booliska ayaa booqday haweeneyda gurigeeda waxayna weydiiyeen su’aalo ku saabsan uurkeeda, iyadoona haatan ay socdaan baritaan arrinkan ku aadan.
Sanadkii hore ayay ahayd markii haweeney 30 jir ah oo magaceeda lagu sheegay Heni Huraeni ay sheegtay inay umushay saacad uun ka dib markii ay isku aragatay calaamadaha uurka.
Isha shabakadda odditycentral.com