DHAGEYSO:Xasan Cali Kheyre oo sheegay in isaga iyo musharixiin kale ay ka badbaadeen isku day dil

0
739

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in asaga iyo dhowr musharrax kale ee u taagan xilka madaxweynaha, xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka, ma’suuliyiin kale iyo shacab badan ay ka badbaadeen isku day dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in lagu khaarijiyo.
Qoraal u soo badhigay bartiisa rasmiga ee Faceebook-ga u arrinkan shaaca kaga qaaday.
Waxaa intaa ku daray in xalay saqdii dhexe weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalkaasi, islamarkaana u ka digay digay natiijada siyaasadda ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka Soomaaliya godka looga tuurayo.
Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen ayuu raaciyay.
“Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, xildhibaanno iyo muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga? ayuu yiri Xasan Cali Kheyre

Dhanka kale mar sii horreysay maanta ayaa rasaas lagu furay dibadbaxyaal ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah midowga musharrixiinta oo uu ku jira Xasan Calli Kheyre.
Waxay dhagaha ka fureystaeen amar dowladeed oo ahaa inaaan la qaban karin dibadbaxyada cudurka Covi19-ka soo laba kacleeyay awgii.
Mucaaradka ayaa ka cabanaya dib u dhaca ku yimid doorashada iyadoo muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday.
Mudada xilheynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii bishaan.
Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn.
Dowladdu see waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub.
Ma jiro wakhti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.