TSC oo hooyooyinka iyo aabayaasha carrur u dhalanayaan u kordhisay muddada fasaxa ay ku maqnaanayaan

0
421

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa haweenka barayaasha ee umulaya u ogolaanaya in bil dheeraad ah ay fasax kaga maqnaadaan xarumaha waxbarashada.
Sidoo kale barayaasha ragga ah ee loo umulaya ayaa loogu kordhiyay hal toddoobad oo fasax ah.
Macallimiinta dumarka ah ayaa hadda xaq u yeelan doona fasax umusha oo afar bilood ah, halka ragga loo umulaya ee saddex toddobaad oo fasax ay kaga maqnaanayaan dugsiyada.
Aabayaasha ayaa hadda helo labo toddobaad oo fasax ah, halka hooyadu ay hesho 3 billod.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, Nancy Macharia, ayaa sheegtay in isbedelladan lagu saleeyay heshiis la gaaray sanadkii hore kaas oo shaqeynaya ilaa sanadka 2025.
Sidoo kale, macallimiinta korsanaya ilmo aynan dhalin ayaa la siinayaa fasax 45 cisho ah sida uu dhigayo heshiiska.
Waxaa ay intaa ku dartay in isbeddelladan la doonayo in lagu horumariyo waaxda waxbarashada ee dalka.
Dhammaan macallimiinta ayaa si kastaba ha ahaatee, laga doonayaa inay soo gudbiyaan codsiyadooda fasaxa wakhti hore, si loo sii qorsheeyo cidda buuxineyso shaqadooda muddada ay fasaxa ku maqan yihiin