Warar ay laanta afka soomaaliga ee BBC-da heshay ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.
Xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in ra’iisul wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar ahaa wasiirka cadaaladda ee Soomaaliya.
Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra’iisul wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86.
Xildhibaan Faarax ayaa hadda howlo caafimaad ugu maqan dalka dibeddiisa.
Xiriirka ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii September ee sanadkii hore uu ka qaaday xilka taliyaha hay’adda awoodda badan ee NISA.
Inkastoo uusan si shaac baxsan u sheegin, haddana Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu rabo kursiga HOP 86 ee deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.
Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu xiriir wanaagsan kala dhexeyo maamulka ka jira Beledweyne iyo madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhexeya Madaxweyne Maxamad Cabdullahi Maxamad (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaare Rooble.
Ra’iisul wasaaraha ayaa 27-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu isku-dayay afgembi lagula wareegayo awoodda xafiiskiisa, arrintaas oo uu beeniyay xafiiska Madaxweynaha.
Tan iyo markaas ma jirin wax heshiis ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.
Doorashada Soomaaliya ayaa maraysa meel xasaasi ah, iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ay ka mid yihiin saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.
Xigasho BBC Somali