Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa u ambabaxay safar qaadan doono saddex cisho oo uu ku joogaya wadanka Isku tagga Imaaraadka Carabta ee UAE-da.
Socdaalka Mr. Kenyatta ayaa ku saleysan xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeya Kenya iyo Imaaraadka.
Safiirka Kenya ee Imaaraadka Kariuki Mugwe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dubai ayaa sheegay in Mr. Kenyatta uu guddoomin doono kulan ganacsi oo heer sare ah.
Sidoo kale waxaa uu wada hadallo laba geesood ah la yeelan doonaa amiirka Imaaraadka Sheekh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan.
Ambasadoor Mugwe ayaa xusay in ujeeddada uu madaxweynaha dalka halkaasi u tagay ay tahay muujinta fursadaha ganacsi ama maalgashi ee ka jiro gudaha Kenya.
Bandhigga ganacsi ee uu si rasmi ah u furaya madaxweyne Kenyatta ee lagu qabanaya magaalada Dubai ayaa waxaa ka qayb gelaya wakiilo matalaya ilaa 192 waddan.
Ganacsatada Kenyaanka ah ayaa soo bandhigi doono fursadaha dhanka wax soo saarka , beeraha iyo dalxiiska.
Imaaraadka ayaa loo suuq geeyaa badeecooyin uu ka mid yahay ubaxa oo ku kacaya in ka badan 2.6 bilyan oo doolar.