Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto wada hadallada dibloomaasiyadeed ee ay waddamada reer galbeedka doonayaan inay ku dejiyaan xasaradda kala dhexeysa Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Sergey Lavrov ayaa khudbad ay jeediyeen ka sheegay in mar kasta ay jirto fursad heshiis lagu gaari karo.
Mr. Lavrov ayaa soo jeediyay in wada hadallada ay sii socdaan taasoo uu ka oggolaaday madaxweyne Putin .
Ruushka oo in ka badan 100,000 oo ciidamo ah geeyay meel u dhow xadka uu la wadaago Ukraine oo ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ku eedeeyeen inuu damacsan yahay duullaan ayaa dhaliishaasi iska fogeeyay.
Waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay sii xoogeysanayay dadaallo looga hor tagayo in labada dowladood ee dariska ah uu dagaal dhex maro.