Qiimaha shidaalka wadanka oo aan isbeddelin

0
347

Maamulka tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa muddo afar bilood oo xiriir ah wax isbeddel ah ku sameynin qiimaha shidaalka .
Tani ayaa loo aaneynayaa in la adeegsaday nidaamyo lagu sugayo qiimaha shidaalka iyadoo loo marayo dakhliga horumarinta batroolka ee (PDL).
Tallaabooyinkan ayaa xakameeyay sare u kaca qiimaha lagu soo dejiyo shidaalka laga keeno dalka dibbaddiisa.
Waxay tani micnaheedu tahay in halkii liitar ee batroolka ah magaalada Nairobi looga sii iibsan doono 129.72 shilin halka naaftada iyo nooca kale ee kerosene lagu iibsan doono min 110.60 shilin iyo 103.54 shilin.
Wasaaradda maaliyadda ayaa la filayaa inay maal guud u sameyso shirkadaha suuqgeeya shidaalka .
Bishii hore sicir-bararka dalka ayaa muddo 14 bilood ah hoos u dhacay boqolkiiba 5.39 ee dhinacyada gaadiidka iyo kharashkadka tamarta.