Madaxweynaha Ukraine oo ku adkeystay ku biirista NATO

0
636

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa xaqiijiyay in Ukraine ay wali rabto in ay ku biirto gaashaanbuurto NATO in kastoo Ruushka iyo qaar ka mid ah waddamada reer galbeedka ay ka shakiyeen dalabka madaxweynaha Ukraine ee ah in dowladdiisa ay xubin ka noqoto isbeheysiga amniga.
Mar uu ku sugnaa magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine isaga oo uu garab taagnaa ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, ayuu sheegay inuu rumeysan yahay in wadankiisa uu ku socdo waddada saxan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay xasaarad u dhexeyso Ukraine iyo dalka dariska la ah ee Ruushka oo lagu eedeeyay inuu hub culus iyo qiyaastii 100,000 oo askari uu geeyay meel u dhow xadka uu dalkaasi la wadaago.
Ruushka oo lagu tuhmay inuu qorsheynayo duullaan ka dhan ah Ukraine ayaa taasi iska fogeeyay.
Hadalka madaxweynaha Ukraine ayaa ku soo aadaya iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu madaxweyne Vladimir Putin kula taliyay inuu sii wado wada hadallada reer galbeedka ee ku saabsan dalabaadka amniga ee xukuumadda Moscow.